18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Faransiiska oo sheegay inuu soo direy Markab dagaal iyo diyaarado Turkiga loola jeedo

Ayaoo xiisada ka taagan badda u dhaxaysa Giriiga iyo Turkiga ay kacsan tahay ayaa Faransisku sheegay inuu xoojinayo ciidanka badda ee ka jooga badda balaadhan ee u dhaxaysa sadexda wadan ee Masar, Giriiga iyo Turkiga.



Turkiga ayaa dagaal lagu gubtey oo uu ku diley muslimiin badan ka bilaabay Liibiya sheegayna inuu koox joogta caasimada heshiis kula galay inuu badda ka qoto saliid, waxana taas diidey wadamada badda wadaaga ee ugu weyn yihiin Giriiga iyo Masar.

Dhawaan ayaa ciidamada badda ee Faransiiska oo diidan waxa Turkigu ka wado Liibiya ay isku dhici gaareen kuwa Turkiga oo hub u wada kooxda joogta caasimada ee ay heshiiska la galeen, waxase dib u gurtey Faransiiska.



Faransiiska ayaa qaba in dib u gurashadaas uu Turkigu u fahmey cabsi ay ka qabaan, sidaas awgeedna uu hadda Faransiisku sii xoojinayo ciidamada ka jooga baddaas.

Si kastaba ha ahaatee talaabada Faransiiska ayaa loo arkaa mid uu taageero hoose uga haysto Maraykanka oo iyaguna raba in Erduqaan cadaadis lagu saaro inuu heshiis ku dhamaayo arinta saliid qodoshada.



Turkiga ayaa iyaguna markab u direy badda u dhaxaysa iyaga iyo Giriiga si ay u baadhaan saliid. ”Ma filayo in Faransiiska iyo Turkigu isku dhici doonaan, waxase jirta jugjug meeshaada joog.

Waxase dhici karta in Masar ciidan u soo dirto Liibiya si ay Turkiga uga saarto halkaas. Haddii dagaal caynkaas dhacana waxa ku jabayo Turkiga oo aan haba yaraatee haysan taageerada dawladaha kale aan ka ahayn Qadar.

Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS