X

Faransiiska oo xero qoxooti ka dhisaya dalka burburey ee Liibiya

Faransiiska ayaa xero qoxooti ka dhisaya dalka burburey ee Liibiya oo ay Yurub ka soo galaan kumanaan dhaqaale doon ah oo ka yimaada wadamada Afrika, Carabta iyo Eeshiya.

Madaxweynaha Faransiiska oo booqdey xero qoxooti oo ku taala dalkiisa ayaa sheegay in xero lagu farsameeyo qoxootiga jooga Liibiya laga samayn doono dalkaasi aakhirka bisha soo socota.



Inkastoo dhaqaale doonka ka yimaada Afrika iyo Carabta ay tagaan Talyaaniga oo ah halka ugu dhow waxase jira tiro balaadhan oo u gudubta Faransiiska halkaas lagu baadho arintooda.



Lama garan karo in xerada uu dhisayo dadka loo aqoonsado qoxooti la geyn doono dalkiisa iyo dalalka kale ee Yurub waxayse u muuqataa mid lagu hakinayo dadka isku tuuraya badda.

Waxa sanadihii la soo dhaafay soo galay Yurub dad gaaraya 200,000 oo kun ayadoo la qiyaasayo tirada baddu liqdey in ay ka badan tahay 2000 oo qof.



Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.