X

Faratoon oo beeniyay war ka soo baxay Muuse Biixi

Wasiirka arimaha dibedda maamulka Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa beeniyay war Muuse Biixi ku sheegay inuu saxiixay shir Turkigu qabanqaabiyay oo ka dhici lahaa dalka Afrikaanka ah ee Gaana laakiin ogolaansho laga sugayo dawlada dhexe ee Somaliya.


“ Way jiraan dedaalo lagu doonayo in labada dal ku wada hadlaan,laakiin ilaa hadda wakhti cayiman oo loo qorsheeyey in la wada hadlaa lama qorsheyn, lamana cayimin, Madaxweynahana Qarankuna Mudane Muuse Bixi Cabdi, wuu ka hadlay wada hadalada,wada hadaladana meeshii la doonaba ha lagu qabto ee wax tafaasiil ah oo cusub aanu ka bixinayaa ma jirto” ayuu u sheegay Wasiir Faratoon


Faratoon ayaa lagu yaqaan inuu eber ka yahay wasaaradan loo magacaabay inta badana waxba kama oga arimaha dibedda waxana si hoose u wata xerta Muuse Biixi ku wareegsan.

Hadalkan ayaa fadeexad weyn ku noqonaya Muuse Biixi.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.