X

Farmaajo maxaa u diidey inuu saacada ugu dambeysa bedelo qorshaha doorashada

Ilaa hadda ma Jiro wax u diidey madaxweynaha Somaliya Farmaajo inuu bedelo qorshaha doorashada ee la sheegayo in dadku ka qayb qaadan doonaan sida ay rabaan gaalada dhigtey dastuurka dalka.


Waxa talaabadan ku kacay fadhiid Xasan Sheekh oo markuu soo liqay afar sanno waxna gacanta ugu jirin sheegay inuuna qaban Karin doorashada nooca ay u rabaan gaalada ee hal cod iyo qof, dibna ugu noqdey odayada iyo maamul jufeedyada.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa qaba inayna jirin wax diyaara, deegaano badana welli gacanta ugu jiraan cadowga argagixisada gaaleeya Muslimiinta ee shabaab.


Inkastoo hore cadowgu u joogey gobolo badan oo ka mida Koofurta dalka, si loo dhaqangeliyo nooca doorasho ee gaaladu dastuur dhoodhoobka ku qoratey, ma jirto diiwaan gelin hore loo sameeyay siiba uu sameeyay fadhiid Xasan Sheekh, xagga uu ka sameeyay maamul jufeedyo uu islahaa codka hel.


Waxa xaqiiqa ilaa la helo nidaam Somali leedahay oo ka fog 4.5 laakiin iyagu wataan waxa macquula in dalku hore u socon karo. Haddii lagu adkaysto in kan gaalada la raaco lacagtana iyaga laga sugo waxa Somaliya ku socotaa hog.

Tirada xidhibaanada


Waxba lagama qaban in la yareeyo tirada xildhibaanada ku naaxay xoolaha ummada ee aan waxba qaban, wax kastana waxa fadhiid Xasan Sheekh u daayay cida ka dambeysa.

Mudada yar ee Farmaajo iyo Xasan Cali xukunka haysteen waxa markiiba lagu bilaabay in la mijaxaabiyo, waxayna ku jireen dagaal badbaado ha ahaato mid ay iska celiyaan Carabta iyo dagaalka gaalada cunaqabataynta ku sii adkeysay dalka ee Ingiriisku hormuud ka yahay.


Dhaqaalaha dalka

Taas ka sokow lama oran marka laga reebo dhinaca ciidanka waxa Farmaajo ku guulaystey inuu dhaqaajiyo dhaqaalaha dalka, waxayna u muuqataa in aanu khibrad u lahayn taas oo ka dhigeysa in dalku ku sii Jiri Karin sidan.

Waxaadse is oran kartaa ma Farmaajo ayaa dib u doorataan mise waxa dalka loo gacan geliyaa Carab Wahaabiya sida Imaaraadka iyo Sucuudiga oo dalku dhulkuu hoos u sii galaa mise mid la mida sidiisa laakiin wax kordhin kara ayaad doorataan.


Isku soo duuboo Farmaajo waxa la gudboon in aanu isku qarin dhoobada gaalada oo uu sidii fadhiid Xasan Sheekh qabto doorasho wax walba caadi uga dhacaan Muqdisho.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.