X

Banaanbaxyo cabsi geliyay Axmaarada Jigjiga oo ka dhacay halkaas iyo ujeedada: SAWIRO

Waxa manta ka dhacay magaalada Jigjiga banaanbaxyo rabshado kooban dheliyay oo cabsi geliyay Axmaarada halkaas degan ee uu keenay gaalkii wrynaa ee Mingeste. Ujeedada banaanbaxyadan ayaa ahaa in lagu diidey masjid Axmaaradu ku gubtey deegaankooda.


Ficilka Axmaarada ayaa ahaa mid lagu xumeynaya Cabi Axmed oo diin Muslim haysan laakiin loola jeedo qowmiyada uu ka soo jeedo, si uu u abuurmo isku dhacyo diimeed oo marmarsiiyo ka dhigtaan.


Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ayaa la dhigey wadooyinka waaweyn ee Magaalada jigjiga si ay u xakameeyaan banaanbaxayaasha,waxaana banaanbaxayaasha qaarkood ay taayaro ku gubeyn wadooyinka waaweyn ee Magaalada jigjiga.

Maalin ka hor waxaa mid la mid ah banaanbaxaan uu ka dhacay kililka HARAR ee dalka Itoobiya, iyada oo weli ay jiraan cabsi laga qabo in banaanbaxyo kale oo rabshado wata ay sameeyaan Muslimiinta ku nool dalka Itoobiya.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.