Farmaajo oo bedelay madaxa ilaalada madaxtooyada. Jeneraal Ibraahim Sheikh Muxiyadiin oo ahaa taliyihii ilaalada madaxtooyada waxana booskiisa lagu bedelay Col. Axmed Maxamed Af-cadey .
Ibraahim Sheikh Muxiyadiin ayaa hogaamin jiray ciidamada madaxtooyada, oo qaabilsan amaanka madaxweynaha, una raaca goobaha uu tagayo, si ay u adkeeyaan amaanka.
Taliyaha la bedelay ayaa si aad ah waxaa ay isugu dhawaayeen Madaxweynihii hore, waxaana mar uu soo noqday Madaxa Paratocol-ka ee Xasan Sheekh.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horey isbadal ugu sameeyey Agaasimihii madaxtooyada iyo xubno kale, una magcaanay masuuliyiin cusub.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay