07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Farmaajo oo hambalyo u direy dhaxalsugaha qoyska Sucuud oo afgambi hoose ka dhacay

Farmaajo ayaa hambalyo u direy dhaxalsugaha qoyska Sucuud oo afgambi hoose ka dhacay.

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqol Salmaan Bin Cabdul Casiis ayaa wiilkiisa u magacaabay inuu noqdo dhaxal sugaha, isagoo ka qaaday wiilkii walaalkiis oo ahaa Dhaxal sugaha, waxaana taas warbaahinta ay ku tilmaamtay Afgambi nuuc cusub oo caalamka ka dhacay.

Fariin ku qorneyd afka Carabiga oo la soo dhigay Barta Twitterka ee Villa Somalia ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo ugu hambalyeeyay Dhaxal sugaha cusub ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin salmaan.



“Waxaan u hambalyeynayaa walaalkey Amiir Maxamed Bin Salmaan oo u adeegaha labada Xaram u magaacay Dhaxal sugaha cusub ee Boqortooyada Sacuudiga Carabiya, waxaan u rajeynayaa Guul iyo Horumar”Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.



Maxamed Bin Salmaan ayaa horay u ahaa Dhaxal sugaha labaad ahna Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana xilka dhaxal sugaha laga qaaday wiilka ay ilmo adeerka ahaayeen Maxamed Bin Nayef.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS