07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Farmaajo oo hogaamiyay shir amniga ah oo ka dhacay Muqdisho: SAWIRO

Farmaajo ayaa hogaamiyay shir amniga ah oo ka dhacay Muqdisho. Kulankan waxaa diiradda lagu saaray amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka  argagixisada iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa AMISOM.



Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka lagaga ciribtirayo argagixisada shabaab, iyada oo la isla meel dhigay kaalinta Ciidamada AMISOM ay ka qaadanayaan dagaalka.



Danjirayaasha dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada uu ku dhawaaqay Madaxweynuhu.

Iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS