10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Farmaajo oo ka hadlay doorashadii lagu shubtey ee ka dhacday maamulka Somaliland

Farmaajo ayaa ka hadlay doorashadii lagu shubtey ee ka dhacday maamulka Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan xisbiyada iyo musharaxiintii ku tartamay Somaliland sida dimuqraadiyadda ahayd ee ay u tartameen.



Waxaan si dhaw ula socday hannaanka diiwaan gelinta, olalaha doorashada iyo codbixinta oo dhammaantood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed.”

“Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan u ballanqaadayaa inaan kala shaqeynayo dar-dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”



Doorashada ka dhacdy maamulka ee lagu shubtey ayaa u dhacdey si beelaysan ayaa laba jufo oo ISAAQA ay isku bahaysteen beesha C/raxmaan Ciro oo kaligeed taagan.



Muuse Biixi ayaa lagu haystaa dambiyadii iyo dilalkii uu ka galay shacabka goboladaas.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS