X

Farmaajo oo ku socda in uu galo arin ka weyn mid uu galay Xasan Sheekh

Farmaajo ayaa ku socda in uu galo arin ka weyn mid uu galay Xasan Sheekh kadib markii war aan la xaqiijin laga soo xigtey wasiir qayb ka ahaa dastuur dhoodhoobka la soo minguuriyay.

Wasiirkan oo lagu magacaabo Cabdi Xoosh ayaa wararka qaar sheegayaan in laga soo xigtey in uu wado qorshe barlamaanka lagu horgeynayo maamul jufeedyada si loo sharciyeeyo.

Arintan ayaa noqoneysa mid WAXWEYN u dhimaysa QARANIMADA iyo Midnimada ummada Somaliyeed oo ay wataan dawladaha daneeya in Somaliya waligeed ka soo kaban burbur oo iyadu isku maqnaato.

Madaxweynihii hore fadhiid Xasan Sheekh ayaa asagoo ku qasbanayn sameeyay maamul jufeedyo uu isla ahaa kuhel soo noqosho laakiin kaga tagey dalka deganaansho waxweyn u dhintey u adeega dadka baahan.

Farmaajo sidoo kale uma baahna in uu sharciyeeyo maamul jufeedyo waxa u dhimaya QARANIMADA iyo siyaasada dalka una adeegaya danaha dawladaha shisheeye.

Waxase haboon in uu la yimaado nidaam qancin kara siyaasiyiinta danahooda ku raadiya qabiil ee horkacaya nidaamka qaldan ee lagu sheego federaalka.

Wasiirkan Cabdi Xoosh ayaa qayb ka ahaa dastuur dhoodhoobka hadda dalka ka Jira ee lagu bedelay dastuur xalaal ahaa oo dadku u codeeyay waxase ku haboon in uu dejiyo nidaamkii lagu heli lahaa dastuur xalaala oo ka duwan midkan laga soo guuriyay gaalada ee aan haba yaraatee shaqo ku lahayn Islaamnimada iyo dhaqanka ummada Somaliyeed.

Haddii Farmaajo dhaqangeliyo arimo ku saabsan sharciyeynta maamul jufeedyada waxay noqoneysa KHIYAAMO qaran aan dadku waligood CAFIN doonin.



Waxa horyaala arinta muhuumka ah ee dhisada ciidan qaran inkastoo taasna uu hadda u maray wado qaldan.

Tan ugu muhiimsan ayaa ah in maamul jufeedyada la sharciyeyn karo haddiiba la isku waafaqo in loo baahan yahay in ay u dhisnaadaan sida hadda ay u yaalaan taasima imaan karto KALIYA marka cod loo qaado dastuur xalaala.

Dastuurkaas oo ka fog in dalka la kala qoqobo isla markaana wada noolaashaha iyo Somalinimada wax u dhima ayadoo nidaamka goboleysiga ee Federaal uu ka fogyahay arimahaas oo dhan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.