X

Maxkamada gobolka Benaadir oo amartey in masuul hore la soo qabto

Maxkamada gobolka Benaadir oo amartey in masuul hore la soo qabto. Masuulkan oo uu shaqada ka joojiyay wasiirka warfaafinta ayaa warqada maxkamada lagu sheegay in la soo qabto.

Agaasimihii ugu horeeyay ee ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa la amray in la soo xiro kadib markii uu amray xeer ilaaliyaha Qaranka.



Lama oga sida amarkan u dhaqan geli doono iyadoo uu hore Wasiirka warfaafinta shaqada uga joojiyay agaasimahan markii lagu soo eedeeyay musuq baahay oo wasaaradda hareeyay, wuxuuuna kiiskan noqon doonnaa tijaabadii ugu horeysay ee dowladda Farmaajo iyo Kheyre oo balanqaaday inay la dagaalayaan musuqmaasuqa.

Dhanka kale Warqad kasoo baxday xafiiska Hanti-dhowraha qaranka ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta Eng Yariisow uu is hortaagay baaritaankii lagu hayay shaqsiyaadkaas.

“Wasiirka warfaafinta waxaa uu magacaabay gudi cusub oo baaritaankii soo dhexgalay “ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska hanta-dhowraha qaranka.

Hoos ka akhri warqadan af- Talyaaniga iyo luqadaha kale ku qoran yihiin



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.