X

Farmaajo oo qaabiley safiirka cusub ee Itoobiya: SAWIRO

Farmaajo ayaa qaabiley safiirka cusub ee Itoobiya u fadhin doona magaalada Muqdisho safiir Jamaaludiin oo Itoobiya magacowdey dhawaan.

Madaxweynaha ayaa waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay safiirka Safiirka Itoobiya Amb. Jamaaludiin oo dhowaan loo soo magacaabay Soomaaliya, waxaana arrintan ku soo beegantay iyadoo Farmaajo ku sii jeedo magaalada Adis ababa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhoweeyay xafiiskiisa Danjiraha cusub ee Itoobiya Amb. Jamaaludiin oo kasoo jeeda Soomaalida Itoobiya, waxaana uu soo gaarsiiyay casuumaad iyo qoraal uu uga siday madaxweynaha Itoobiya.



Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno ka tirsan wasaaradda arrimahadda dibadda iyo madaxtooyada.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.