10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Firxada argagixisada oo gaaray Bu’aale iyo ciidanka oo Janaale ku wajahan

Wararka Ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan In  Halkaasi dhaqdhaqaa ciidan ay ka wadaan Ciidamada AMISOM & Ciidamada Xooga Dalka.

Ciidamada Huwanta ayaa Dhaq dhaqaaqa Waxaa ay kawadaan Aaga Deegaanka Janaalle Ee Gobolka Sh/Hoose halkaas oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Xooga Ee Horkacay Duulaanka Ku wajahan Janaalle oo aan qaarkod la xidhiidhnay ayaa inoo sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha ugeli doonaan Deegaanka Janaalle.

Dad kala duwan oo ku sugan Gudaha Deegaanka Janaalle oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegeen in ay Al-Shabaab isaga baxeen balse aysan meel fog uga bixin oo ay ku sugan yhiin duleedka Deegaanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS