Sucuudiga oo raacsan koox diimeed loo yaqaan Salafi/wahaabi waxay dagaal diimeed ku iclaamiyeen koox diimeedka loo yaqaan Xuutiyiin oo ah koox fiqiira degan Yaman oo kuwa loo yaqaan Suniyiinta aad dhaqan ahaan iskugu dhow xagna u dhow kooxaha iyagana loo yaqaan Shiicada.
Sucuudiga iyo argagixisada caalamiga oo isku dhinaca waxay diinta ka saareen kooxda fiqiirka ah ee Xuutiyiinta iyo Shiicada kale waxayna iclaamiyeen dagaal.
Hogaamiyaha Xuutiyiinta ayaa sanado hore sheegay in Yaman ama Xuutiyiintu ayna marnaba aqbalayn in Sucuudiga Salafiga ah ay fahamkooda diineed qaataan iyadoo Salafiyiinta Sucuudigu ay maal xad-dhaafa siin jireen koox diimeed Yaman ka dhisan oo Islaax la yiraa si ay ugu dagaalamaan Salafiga.
Koox diimeedkii Islaax ayaa weerar ku qaaday Xuutiyiinta iyagoo haysta lacagtii Salafiga Sucuudigu soo siiyay. Wayse ku guulaysan waayeen in ay jabiyaan awooda Xuutiyiinta taasina waxay keentay in Salafiga Sucuudiga laftiisu weerar uu soo qaaday 2009 halkaasna waxba qaadi waayay.
Dagaalka Yaman ayaa hadda u dhexeeya kooxda Salafiga Sucuudiga uu wato iyo siyaasada dastuuriga ah ee keentay in xulafo is necbaa is taageersadaan.
Hadaba Fitnada Sucuudiga Salafiga abuurey ayaa dad badan is waydiinayaan halka ay ku joogsan doonto yuuse isku halaynayaa Salafiga Sucuudigu: Hal dawlad oo fiqiira laakiin haysata hub nukliyeera ayaa u balan qaaday haddii Salafiga Sucuudiga laga gariiriyo in ay hubka ku caawin doonaan waana Bakistaan.
Wuxuu kaloo isku halaynayaa Maraykanka iyo Yuhuuda oo iyaguna sheegay in ay Sucuudiga difaaci doonaan, iyadoo ujeedadoodu tahay in ay burburiyaan Iiraan oo ah wadan muslima awoodna leh. Habarwacashadan noocana ayaad u jeedaan in dad aan isku diin ahayni hal ujeedo wada leeyihiin loona socdo Iiraan.
Awooda Salafiga Sucuudigu maaha mid waaraysa mana haysto awood uu Salafiga kufaafiyo isagoo xoog isticmaalaya wuxuuna isku direy walaalihiisa Muslimka sida Iiraan oo uu u qabo colaad aanu u qabin Yuhuuda. Iiraana biyo uma kabanayso haddii loo kala baxo. Wuxuuse garan waayay in uu si nabada kula noolaado jaarkiisa lacagtan saliidana ku caawiyo taas oo keeni karta in uu si fudud u faafiyo Salafigiisa uu Somaliya iyo wadamada fiqiirkaba ku faafiyo.
Dhinaca kale Yaman ayaa qarka u saaran in ay burburto magaalada Cadan ayaa gabi ahaanba ayna jirin wax dhaqdhaqaaqa oo ganacsi waxana wadooyinka yaala mayd muslimiina.
Maraykanka oo Sucuudigu u yeedhay wuxuu sheegay in hub khatara siin doonaan maleeshiyada macawista xidhan ee guryaha agtooda ka soo ridaya rasaasta oo ay ku sheegaan ciidanka Xaddi. Hubkan ayaa lagu sheegay kuwa lagula dagaalamo taangiyada Xuutiyiinta taas oo wax ka bedeli karta awooda hadda jirta.
Waxa kale oo Maraykanku bilaabey inuu siiyo Salafiyiinta Sucuudiga goobaha hubku u yaalo Xuutiyiinta ama ciidanka Yaman oo hadda ah awooda kaliya ee Yaman ka dhalin karta kala dambeyn iyo dawlad.
Waxa halkaas kaaga soo baxay fitnada uu bilaabey Salafiyiinta Sucuudigu in ay ku burburayso Yaman iyo ciidankeedu, burburka Yaman iyo ciidankoodana waxay faaiido ugu jirtaa Salafiga iyo argagixisada caalamiga ee isku caqiidada ah waana waxay kala dheefaan burburka Yaman haday moodeen in Maraykan waligood la joogayo. Burburkaasi ma wiiqayo Xuutiyiinta.
Fitnada Salafiytiinta Sucuudiga ayaan ahayn mid si dhib yar ku dhamaan doonta waxana la wadaa qorshe ah in la hubeeyo maleeshiyada Cadan, awooda ugu weyna waxa wada Maraykanka, suaasha la is waydiinayo ayaa ah yaa u dagaalamaya Salafiyiinta Sucuudiga.
Sida kaliya ee looga guulaysan karo Xuutiyiinta waa dalka Yaman oo gabi ahaanba burbura iyo Marakanka oo ka qaybgala dagaalka sidii Liibiya..Yaase caawin doona Xuutiyiinta lama oga..Salafi Sucuudi aan eegno halka fitnadiisu ku dhamaato.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS