05/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gaadhi argagixisadu wadatey oo lagu qabtey xaafada Yaaqshiid ee Muqdisho muxuuse sameeyay

Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax ka dhacay xaafada Yaaqshiid gaar ahaan suuqa Bacaad. Ciidanka NISA oo gaadhiga ku dabada jirey ayaa qabtey.

Gaariga oo noociisu ahaa Surf iyo ninkii waday, waxaana intii gacanta lagu hayey ninka qarxay gaarigii, oo lagu soo rakibay walxaha qarxa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta qaraxa kadib ayaa u sheegay in gaariga qarxay ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Nabad Sugiddu gacanta ku dhigeen gaariga iyo ninkii waday , waxaana uu intaa ku daray in ninka gaariga watay ee la qabtay uu sidoo kale watay Bastoolad.

Xalane sidoo kale tilmaamay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac uu sababay Qaraxu, Islamarkaana su’aalo la weydiin doono Ninka gaariga waday, oo hadda ciidamadu gacanta ku hayaan.

Suuqa uu ka dhacay Qaraxu oo lagu magacaabo Bacaad ayaa ah Suuq labaad ee ugu weyn Muqdisho, waxaana ka weyn suuqa Bakaaraha.

 Suuq-Bacaad[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS