November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gaadhi ay ku jiraan qaraxyo aan hore loo arag oo ummada laga badbaadiyay

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia waxa lagu qabtay Gaari nuuca Raaxada oo laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarxa, sida aan wararkeenii hore ku baahinay.

Ciidamada NISA oo kaashanaayay xogo ay ka heleen shacabka magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay gaarigaasi oo loogu tallo galay in lagu haligo shacabka aan waxba galabsan.

Gaarigaani ayaa waxaa la dhigay goob aad u mashquul badan oo ku tiilay Degmada Boondheere, waxaana la sheegay in Qaraxa gaarigaasi lala sugaayay xiliga ay isu soo baxaan dadka deegaanka.

Gaariga oo u diyaarsanaa Qarax ayaa waxaa laga soo buuxiyay Qaraxyo loo adeegsan lahaa Fuusto, Miinooyin, Haamo, Biraha Shubka, Jawaano biro iyo boolal laga soo buuxiyay RPJ iyo qoryo kale.

Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan, ayaa sheegay in dadka shacabka ah ay kusoo wargaliyeen sidaana uu xogta ula wadaagay ciidamada NISA.

Qarax1-1 (1)

Qarax2

Qarax3-1

Qarax4

Qarax5

Qarax6

Qarax7

Qarax8

Qarax9

Qarax10

Qarax11

Qarax12

Qarax13

Qarax14

Qarax15

Qarax16

Qarax17

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS