X

Gaadhi bilaa biriiga oo dad ku diley suuq ku yaal Muqdisho: SAWIRO

Inta la xaqiijay waxa ku dhimatey sadex qof oo qaarkood ku jireen dad goobta gaadhiga bilaa biriiga ah ku dhacay iyo dad wadada maraayay. Gaadhigan xamuulka ah ayaa la sheegay in wadaha gaadhigu uu biriig ka waayay taas oo caadi ah dalka.


Waxa shilkan ula kaca ku dhaawacmey ilaa 8 qof oo qaarkood ku jireen gobta ganacsi ee uu galay iyo dad wadada maraayay. Ciidanka booliiska ayaa yimi goobta o qabtey wadaha gaadhiga.

Gaadhiga ayaa u muuqdey mid aan haba yaraatee la dayactirin biriiga oo ah kan ugu muhiimsan. ”Sidee qof u wadi karaa gaadhi bilaa biriiga ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga.



”Waxa waajib degdega in dawladu hadda wada baadho dhamaan gawaadhida xamuulka ah oo duugoobey isla markaana lagu qaado bagaashyada kala duwan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.