X

Ehelada hooyo Muuse Biixi u xidhey calan ay goglatey oo qayla-dhaan direy

Degan Cumar Daahir waa hooyo leh afar caruura oo asy hayso nin Isaaqa. Waxay u noolayd magaalada Hargeysa markii ay jeclaatey in ay goglato calanka Somaliya. Waxa la sheegayaa in ninkeeda aad uga cadhoodey kadibna uu fariin u direy ciidanka Muse Biixi sidiina jeelka loogu taxaabay. Degan ayaa u dhalatey gobolka Awdal.



‘Waxay hadda jeelka Muuse Biixi ee magaalada Hargeysa ku jirtaa muddo bila. Wuxuu ciqaab uga dhigey eheladooda inay sii socdaan soona socdaan ayay tiri gabadha walaasheed oo la hadashay saxaafada.

”Inkaari ku dhacdey kama koro miyaa calan nacayb ayay tiri haweenay kale oo iyaduna saxaafada la hadashay. Ama nac ama ha nicin calanku wuu jirayaa ayay raacisay haweenay kale ee maad dilaaci, gabadhana waanu la soo bixi.



Ehelada Degan ayaa sheegay in la jirdilo iyo aflagaado loo gaysto ay ku jirto jinsiyadeeda oo ay caayaan askar jeelka Muuse Biixi ee magaalada Hargeysa.

Maaha markii ugu horeysay ee Muuse Biixi haweenka uu jeelka u taxaabo, waxase tani kaga duwan tahay waa gabadh iyagii u dhaxdey oo cida sariirteeda ay tahay isla iyaga uun, fadeexad ka weyn ma jirto.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.