X

Gaadhi nooca raaxada ah oo si xun u jiidhey haweenay magaalada Hargeysa

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ka dhacay dhacdo foolxun halkaas oo uu gaadhi ku jiidhey haweeney mareysey badhtamaha magaalada Hargeysa gaar ahaan agagaarka wasaaradda Maaliyadda.

Dad goobjoogeyaal  ayaa sheegay in gaadhigani haweenayda kaga soo baxay meel u dhow wasaaradda maaliyadda Somaliland waxaana uu sababey in dhaawac culus uu soo gaadho haweeneydaasi kadib markii uu ku tuurey laamida.

Wadihii gaadhiga ayaa waxaa gacanta ku dhigey ciidamada nabadgelyada waddooyinka ee Hargeysa, waxaana ay gaadhigii jiidhey haweeneyda uu keeney gabadhii cisbitaalka weyn ee magaaladda Hargeysa, halka isagii boliisku sii watey.

Gabadha oo xaaladdeedu aad u cusleyd ayaa adkeyd in la ogaado magaceeda iyo halka ay ka timi, mana jirto cid aqoonsatey gabadhaasi oo xilligaa ka ag dhaweyd.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.