X

Nin dili gaaray dhaqtarkii ka dhaliyay naagtiisa dalkaasi Sacuudiga sidee wax u dhaceen

Dhacdo laga yaabay ayaa ka dhacday dalkaasi Sucuudiga ee aan ogoleyn in haweenku gawadhida kexeeyaan sida ay qortey jariirad ka soo baxda dalkaasi Sucuudiga oo ku bixiya malaayiin doolar si dhaqankoodu u gaaro wadamada kale ee Muslimiinta.

Wargeyska oo lagu magacabo Sabq ayaa qorey in nin dhaqtara lagu dhaawacay magaalada Riyaad ee caasimada Sucuudiga kadib markii uu ka dhaliyay haweenay isbitaal ku yaal caasimada.

Dhaqtarka la dhaaawacay ayaa waxa iska dhalay aabo u dhashay dalkaasi Urdun iyo hooyo u dhalatey Sacuudiga. Xaaska ninka dili gaaray dhaqtarka ayaa la keenay isbitaalka si looga dhaliyo ilmaheeda oo hadda Jira bil iyo bar.

Wargeyska ayaa ku waramay in ninkani dib ugu noqdey isbitaalka markii uu ogaadey in nin dhaqtara uu ka dhaliyay xaaskiisa wuxuuna codsaday in uu arko ninka ka dhaliyay si uu uga mahadceliyo xaaskiisa uu ka dhaliyay.

Waxa kadib uu la kulmay dhaqtarkii waxase aan la ogeyn in uu watey bastoolad, waxyar kadib markii uu socdey wadahadal ayaa waxa la arkey bastoolad uu la soo baxay ninkii iyo toogasho u ku bilaabey dhaqtarkii. Wuxuu isla markiiba ka baxaday goobta iyo dhaqtarkii uu toogtey oo dhulka jiifa.

Booliiska ayaa ku guuleystay in u qabto ninkii baxsadka ahaa waxana la waydiiyay sababta uu u toogtey dhaqtarka wuxuuna sheegay in ninkaasi aanu xaq u lahayn in uu arko cawrada xaaskiisa ee ay ahayd in la keeno haweenay ka dhalisa.

Waxase ninkani Sucuudiga ah ilaaway in aanu ogoleyn in haweenka dalkiisu wax bartaan si dumarkooda uga dhaliyaan, waxkale iska daaye ayna xataa gawaarida kaxayn Karin. Waa dhaqan ku kooban dalkaasi Sacuudiga oo aan diin shaqo ku lahayn.

Lama garankaro ciqaabta ninkaasi la marsiin doono iyo in la sii dayn doono.

Waxa warbixintan cajiibka ah soo akhriyay Rashiid Ceelaanyo

xigasho wargeyska Sabq

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.