Khartuum–Tahriibayaal Somali ah oo gaadhaya 13 qof ayaa gaadhi ay saarnaayeen ku rogmaday caasimada Suudaan ee Khartuum. Tahribayaashan ayaa habeen gudayay isla markaana qaadayay wado qardajeexa iyagoo ka baydhaya wadada saxda ah maadaama ayna sharci haysan.
Gaadhigan oo ay lahaayeen kooxda magafe ayaa ku socday xawaare dheereeya si ay uga baxaan caasimada una tagaan halka lagu hayo ee xadka Liibiya iyo Suudaan ee ay waalidiintood ku so ooyaan.
Dadka gaadhigu la rogmaday ayaa waxa ka badbaaday gabadh Somali ah oo iyada qudheeda la sheegayo in xalkeedu daran yahay.
Nin u hadlay safaarada ayaa sheegay in aan dadka la garan Karin maadaama shilku aad u xumaa ayna wajiyada dadkaasi soo dhigi doonaan shabakadaha Somalida.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS