Kolonyo gaadiid ah ay wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa duhurnimadii maanta waxa ay ku jireen Wadada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Isgooska KM-4 Haweeney da’ ah oo wadadaasi mareysay.
Dad ka agdhawaa halka uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay jiireen Hooyo waayeel ah oo da’deeda lagu qiyaasay 60-sano jir ah, waxaana la sheegay in Ciidamada AMISOM aysan u istaagin Hooyada ay gaadiidkooda jiirsiiyeen.
Goobta ay ciidamada AMISOM gaariga ku jiirsiiyeen Hooyada Soomaaliyeed ayaa waxaa soo gaaray dad shacab ah oo halkaasi ka agdhawaa iyo kuwa gaadiid ku marayay, waxaa sidoo kale goobtaasi soo gaaray ciidamo booliis ah oo eryaday gaadiidkii dhibka gaarsiiyay Hooyadan Soomaaliyeed.
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in ay ku guuleesteen in ay soo qabtaan askarigii gaariga jiirsiiyay Hooyada Soomaaliyeed, waxaana saraakiil katirsan booliiska sheegeen in kiiskan baaritaan ku sameenayaan.
Gaadiidka Ciidamada AMISOM ayaa marar badan dad shacab ah waxa ay si ula kac ah ugu jiireen wadooyinka magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ay joogaan, mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka ay Ciidamada AMISOM u geestaan dadka shacabka ah.


C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay