X

Gaal argagixiso ah oo qoys Muslim ah ku diley dalkaasi Kanada

Gaal argagixiso ah ayaa dalkaasi Kanada gaadhi marsiiyay qoys Muslimiina oo marayay meel wadada ka baxsan, waxana uu goobta ku diley lamaane 44 iyo 46 jira, hooyadood oo 74 jira iyo gabadh 15 jira halka wiilkale ka badbaadey. Gaalkan argagixisada ah ayaa gaadhiga ku soo leexiyay kadibna goobta ka cararay.


Qoyskan ayaa ka soo jeeda Bakistaan waxayna u guureen dalkaasi Kanada muddo hadda laga joogo 14 sano. Xaaska ayaa ninkeeda u soo kaxeeyay Kanada sanadii 2007.

Wasiirka koowaad ee Bakistaan Cimraan Khaan ayaa si xun u cambaareeyay isagoo sheegay inuu aad u kordhey xagjiriinta gaalada oo hadda ay kuraas badan ku leeyihiin goleyaasha wadamada gaalada.


Gaalkan argagixisada ah ayaa keliya u doortey qoyskan Muslimiinta ay yihiin. Booliiska dalkaasi oo ninkan qabtey aya sheegay inay maxkamad soo taagi doonaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.