X

Kiiniya oo Axmed Madoobe hal arin ku cafin doonin

Waxaa mardhaweyd saxaafada la hadlay qaar ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ee Kiiniya ku hayso Kismaayo, ayagoo u muuqday inay cambaareeyeen weerarkii fuleynimo ee Kiiniya ku dishey hooyo Somaliyeed iyo wiilkeeda isla markaana ku dhaawacday caruur, hantina ku burburisay.


Horjooge ku xigeenka maamulka Maxamud Sayid ayaa si diciifa u sheegay inay ka xunyihiin weerarkaas halka ninka ugu qaabilsan amninga Axmed Madoobe ee lagu magacaabo Jeneraal Dhuumaal uu isna afka soo marin waayay inuu cambaareeyo laakiin codsaday in dawlada dhexe baarto weerarkaas.

”Kiiniya ma cafin doonto Axmed Madoobe oo labadaa nin u ogolaaday inay u hadlaan haba noqoto si baqdin ku jirtee ayuu yiri Cali Calasow. Waxayna dalban doontaa inuu eryo.


Horjooge Axmed Madoobe laftiisa oo sheegta gobolka Gedo rabana in doorashada halkaa gacanta loo geliyo ayaa ku dhici waayay inuu ka hadlo waxayna ku tusaysaa cida xukunta.

Si kastaba ha ahaatee dhacdadan foosha xun ee Kiiniya dawlada dhexe horteeda ugu xasuuqday shacabkeeda ayaa ah mid ayna dib dambe u samayn doonin.


Waxaanse eegnaa talaabada xigta ee Kiiniya qaado iyadoo eegaysa danteeda weyn ee ah inay badda Somaliya u fadhido shisheeyaha kale.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.