X

Gaalka argagixiska ah ee xasuuqey Muslimiinta Niyusiland oo la soo faqay cida uu dhegeysan jirey

Gaalka weyn ee argagixiska ahaa ee xasuuqey Muslimiinta Niyusiland ayaa la ogaadey cida uu dhegeysan jirey. Ninkan u dhashay dalka Ustaraaliya ee ay jaarka yihiin Niyusiland ayaa la garan waayay wuxuu u doortey inuu suntiisa ka fuliyo Niyusiland oo aan lagu aqoon inay cuqdad xuni ku jirto.


Muslimiinta halkas ku dhintey ayaan heli doonin cadaalada ay xaq u leeyihiin oo uu ku Jiro wiilka yar ee Somaliga ah ee halkaasi ku shahiidey waayo dembi kasta oo ad gasho waxaad ku jireysaa muddo xabsiga kadibna waxa la dhahaayaa wuu waalan yahay ee sii daaya.

Hadaba ninka argagixiska ah ee Muslim nacayb u fuliyay falkaas ayaa la ogaadey inu dhegeysan jirey heesaha ninkii Seerbiga ahaa ee xasuuqey Muslimiintii Boosniya oo lagu magacabi jirey Radovan Karadzic kadib markii ay magan ka dayeen ciidamo ka socda Holland oo wadada u baneeyay inay xasuuqaan.


Ninkan xasuuqa fuliyay oo qoys ahaan ka soo jeeda gobolka Iskotland ee Ingiriiska uu ku helay heesaha lagu xasuuqayay Muslimiinta Boosniya. Waxa la aaminsan yahay in qoyskiisii u qaxeen Ustaraaliya xilligii laga guulaystey Hitlar ayagoo ka cabsanaya quwadii hantiwadaaga.

Sawirka hoose wa Gaalka weyn ee xasuuqey Muslimiinta

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.