X

Madaxweyne Farmaajo muxuu ka yiri muslimiintii gaalka argagixiska ah xasuuqdey

Madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi ka direy xasuuqii gaalka argagixiska ahaa u gaystey Muslimiin gudanaayay waajibka salaada. Muslimiinta geeriyooday ayaa isugu jirey wadamada Muslimka ah oo intooda badan soo galooti.


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dadkii halkaasi ku dhintay, isagoo sidoo kale dowladda iyo shacabka Niyuusiiland tacsi u diray, una rajeeyey dadka dhaawacmay caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale Ra’iiusl Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi taas la mida u direy dadkii lagu xasuuqey gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi.


Siyaasiinta qaba in Muslimiintu iman dalkooda ee xagjirka ah ayaa si hoose u amaanay weerarka uu gaystey ninkaasi oo uu ka mid yahay ninka xildhibaanka ah ee lagu magacaabo Fraser Anning.

Mishkiladu waa Muslimiintan nagu soo batey ayuu yiri xagjir Frazer.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.