X

Gaari ay saarnaayeen dad shacaba oo lagu qarxiyay nawaaxiga Lafoole iyo dhimasho badan: SAWIRO

Gaari ay saarnaayeen dad shacaba ayaa lagu qarxiyay nawaaxiga Lafoole ee gobolka Shabeelaha hoose. Gaadhigan ayaa wadada ku socdey markii uu haleelay qaraxan oo sida muuqata ay cadahay in qofkii ku aasay uuna sidaa uga fogeyn.

Argagixisada ayaa miinooyinka nooca ee dadka lagu xasuuqayo ku aasta wadada dadku marayaan. Dhimashada ayaa lagu sheegay in ay gaaraysio ilaa labaatan.

Argagixisada shabaab Ayaan wali sheegan mase jirto cidkale oo muslimiinta sooman xalaashatey dhiigeeda. Burburka soo gaaray gaadhiga ayaa muujinaya in aan qofna ka badnaadin.#

Dhimasha 20 ayeey kor usii dhaaftay, waxaana muuqaal laga soo qaaday gaariga qaraxu haleelay muujinayaa mid gabi ahaanba burburiyey gaarigii halkaasi marayey.

 

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
admin:

This website uses cookies.