X

Gaari miino ay ku xirtey argagixisada oo ku qarxay Muqdisho iyo khasaare jira

Gaari miino ay ku xirtey argagixisada ayaa ku qarxay Muqdisho iyo khasaare jira. Gaarigan oo ahaa kuwa raaxada ayaa waxa argagixisadu ku dishey hal qof halka sadex kalana dhaawac yihiin.


Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaala darawalkii gaariga waday ayaa dhintay, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray labo ruux oo dumar ah oo mid lagu sheegay inay hooyo u ahayd dirawalka una waday hooyadii adaarka Muqisho.

Halka Qaar kalana sheegeen inay intuba ehel wada ahaayeen oo uu ku jirey hal wiil, gabadh yar iyo hooyadood.

Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo Meyd ahaan goobta uga qaaday darawalkii waday gaariga iyo dhaawaca labada dumarka ah.


Argagixisada ayaa markasta ku quraacata dhiiga muslimiinta ay gaalaysay. Mana kala jecla cida ay xasuuqaan maalin kasta. Ciidamada amniga ayaa war laga sugayaa ruuxa dhintey waxa uu ahaa.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.