November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gaari tog ka dhacay duleedka Laascanood iyo qasaare jira: SAWIRO

Deegaan u dhow magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa tog ka dhacay gaari u eg laankuruusal oo ay saarnaayeen lix qof. Lama garan karo sida gaarigu toga uga dhacay iyo wadadu ka qaldantey.



Dadka ka ag-dhawaa halka shilku ka dhacay ayaa sheegay in shilka uu ku dhintey hal qof halka shan kalana qabaan dhaawacyo aan buurneyn laakiin loola cararay isbitaalka magaalada Laascaanood.



Dadka u gurmadey aya sheegay inayna xaqiijin karin waxa ku dhacay dirawalka ayadoo xoogaa rooba uu qooyay wadada caadiga oo loo malayn karo inuu is yiri qardajeex.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS