25/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gabadh ay iska dhaleen Ruush iyo Somali oo aabaheed heshay muddo afartan sano kadib: Waraysi

Farhiya ayaan Aabaheed indho saarin mudo 40 sano ah, kadib markii ay Russia go’aansatay ineey garab istaagto Dowlada Itoobiya dagaalkii 1977 , waxayna awoodi weysay inay dib u aragto aabaheed.

Waxay sawiradeeda iyo farriimo u marisay barta bulshada ku xiriirto ee Instagram, waxaana farriinteeda si weyn u faafisay soomaalida bartaasi ku xiran iyo barta kale ee facebook. Markii danbe waxay heshay aabaheed oo hadda ku nool magaalada Oslo ee dalka Norway.

Raadin badan iyo waqti dheer kadib waxay BBC-da uga sheekeysay sidii ay u heshay 40 sanadood ka dib aabaheed. Hoos ka dhegeyso qisadaan cajiibka ah.

 

BBC