X

Gabadh baratey saxaafada haddana u wareegtay mid aan laga fileyn

Ayadoo Sucuudigu soo furfurmayo oo bulshada ku nool rag iyo dumar hadda wada xor yihiin hadday noqon lahayd socdaalka iyo xirfadaha, ayaa waxa dad badan ka yaabisay gabadh baratey saxaafada haddana u diga rogatey qurxinta gawaadhida.


”Hadda waxa ka socda Sucuudigu kor u qaadida nolosha haweenka oo awal ku koobneyd guriga ama aanad bixi karin in qof ragga ku kaxeeyo mooyee. Hadda waxaan ugu yaraan haysanaa inaan soo bandhigno haween ahaan xirfada aan leenahay aysay tiri Sahra.

Sahra oo dhamaysay saxaafada ayaa intii lagu jirey xayiraada Koroona furdad u heshay wa kale oo ay jeceshahay laakiin haweenku xirfad ahaan ku badneyn ama jirinba waana qurxinta gawaadhida.

”Waxaan bilaabey qurxinta gawaadhida xilligii ay bilaabantey xayiraadu,, waxayna ahayd wax aan weligey jeclaa, waxaanan ku bilaabay gaadhiga walaalkay ayay tiri Sahra.


Haddana waxaan ku talo jiraa inaan furto geerish aan anigu leehay ayay tiri Sahra. Shaqadan waxaan ka bartey samirka, toosnaanta iyo adkeysiga waayo qalad yar wuxuu wax ka bedelayaa sida gaadhiga u egyahay ayay raacisay Sahra.

”Ma sugi karo inaan furto geerish aan anigu leeyahay. Naagaha Sucuudiga ayaa laba sano kahor ahaa kuwo xataa aan loo ogoleyn inay gawaadhida kaxeeyaan.


Haddii aad gabadh tahay oo hadda aad samayso shaqo aan ahayn tacliintii aad soo baratey nala wadaag. Nagala soo xiriir araabimedia@gmail.com ama facebook.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.