X

Maxaynu ka ognahay diyaarad ku dhacday derbiga garoonka Muqdisho

Diyaarad laga leeyahay dalkaasi Kiiniya ayaa ku burburtey salaxa diyaaradu ka duusho kuna soo degto ee garoonka Muqdisho. Wasaarada duulista ayaa sheegtay in shaqaalaha saarnaa diyaarada la soo badbaadiyay.


ā€¯Waxaan soo badbaadinay sadex ka mida shaqaalaha diyaarada kadib markii ay soo dhacday ayuu yiri wasiirka duulista. Maaha markii ugu horeysay ee diyaarad fadigeedu yahay Kiiniya ay ku burburtey dalka.

Masuuliyiinta garoonka Muqdjsho ayaa sheegay in diyaaradu xamuul u sidey Beledweyne kadibna ciladi ku timi ayna isku daydey inay dib u fadhiisato Muqdisho laakiin ay ku burburtey dhabaha diyaaradu ku orodo.


Diyaarada oo ay saarnaayeen shaqaale gaaraya 4 waxa qaarkood soo gaaray dhaawac fudud. Diyaarada ayaa ku dhacday derbi shub ah oo xeyndaab u ah garoonka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.