Waa caadi qabyaaladu maamulka horjooge Muuse Biixi oo aad loogu qasaaray muddadii uu xilka hayay. Qabyaalada ayaa xarkaha furatey labadii maamul jufo ee kala dambeeyay waa Siilaanyo iyo Muuse Biixi. Tayo xuada maamulka ayaa keentay in kheyraadkii yaraa ee hadhay si cad qaydhiinka logu qaybsado qabyaalad.
Haddaba gabadh ka tirsan shaqaalaha oo Ciise ah aya sheegtay in loo sheegay waxa ay ka qabanayso Hargeysa xilli jufadeda Ciise ka taliso Jabuuti. Jabuuti ayaa markii Faransiiskii bixi doono uu u bixiyay magaca Ciise iyo Canfar si uu daaqada uga saaro mucaaradkii u badnaa Samaroon.
Gabadhan oo shaqaale ka ahayd wasaarad ku sheega isgarsiinta ayaa si cad loo qabyaladeeyay loona sheegay inay bustaha ka qaadato meesha kursina ka raadsato Jabuuti.
Ninkan eeda loo jeediyay ayaa isna ku soo direy gabadh kale oo isla xafiiska ka shaqaysa ooo beenisay eedahaas. Si kastaba ha ahaatee waxaan shaki ku jirin in qabyaalada si qaydhiina laysugu sheego inti horjoogahan loo dhiibey booska.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay