23/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gabadh geesiyad ah oo kaxaysa gawaadhida gurmadka oo xataa tagta dhul ay joogaan argagixisada shabaab: SAWIRO

Dalkaadsi Kiiniya magaalada Wajeer ee gobolka Somalida ayaa waxa jirta gabadh geesiyad oo wada gawaadhida gurmadka goob lagu yaqaan fowdo iyo is dhexyaac. Gabadhan ayaa dadka ka soo qaada goobo halisa oo ay joogaan argagixisada shabaab oo kharar gelin kara nafteeda maadaama ay wado gaadhi ay leedahay dawlada Kiiniya.

Bishara Faarax waxa aad looga yaqaan Wajeer halkaas oo dadku u wacdaan waxana ay caawisaa dadka ku dhaawacmey shilalka, haweenka uurka leh iyo dhaaawacyada ay gaystaan argagixisada shabaab.

Waxase jirto wax caqadbada oo ay kala kulanto dadka reer Wajeer waxana jirta in ay dadku u yimaadaan oo sheeko ula yimaadaan.

Qoyskeeda ayaa sidoo kale aan ku faraxsanayn saacadaha shaqadeeda oo ay ku jirto in ay xilliyo hore shaqada tagto oo saqdhexe ah markaas oo walaaladeed ay geeyaan gaadhida gurmadka. . Waxay tiri Bishaara uma sheego haweenka kale in ay shaqadani adagtahay waxaanse u sheegaa in ay fududahay si ayna u niyad jabin.

Bishaara ayaa ah qof ku faraxsan shaqadeeda ah in ay badbaadiso qof ay markaasi hayso dhibaato waana waxa I sii dhiirigeliya.

_85958643_ambulancefeature2[1] _85958645_ambulancefeature3[1] _85958647_ambulancefeature4[1] _85958648_ambulancefeature[3]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM