X

Gabadh lagu eedeeyay askarta madaxtooyada oo la helay

Booliiska magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gabadh 18 jira laakiin hooyadeed ku sheegtay 14 jir oo muddo maqneyd in hadda la helay oo ay xanaanaynayaan urur samafala oo Somali ah laakiin la baxay magac Af-Ingiriisa.


Hooyada gabadha dhashay oo lagu magacaabo Amran Xayle ayaa hore ugu eedaysay askarta madaxtooyada Somaliya inay gabadheeda afduubteen laakiin masoo bandhigin wax cadayna.


Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in gabadhu tahay 18 jir laakiin hooyadeed leedahay waa 14 la helay kadib markii ay ka baxsatey xarun lagu xanaanaynaayay.

Gabadha ayaa hadda lagu wareejay hooyadeed sida uu xaqiijay afhayeenka booliiska.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.