X

Gabadh shan jira oo laga badbaadiyay nin gaari Hindi wata oo la baxsan rabay

Gabadh shan Jira ayaa laga badbaadiyay nin gaari Hindi wata oo la baxsan rabay. Xilliga dhacdadaan foosha xun ka dhacayso Muqdisho ayaa dadka dhegahooda uu ka batey dhacdooyin foolxun oo Somalida ku soo kordhey.



Dhacdadaan ayaa ka dhacdey Muqdisho gaar ahaan isgoyska dabka ee wadada Maka Al-Mukarama ee aadka u mashquulsan. Sida la xaqiijay aabaha dhalay gabadha ayaa ka degay gaari Hindiga bajaajta loo yaqaan.



Aabaha ayaa u degay si uu lacagta u siiyo ninka wata gaari bajaajta oo isaga iyo gabadhu la wada socdeen. Intii uu lacagta soo bixinaayaan ayaa bajaajluhu hore ka dhaqaaqay..

Intaasi kadib aabaha dhalay ayaa ka daba qayliyay loomase joojin. Waxa loo wacay ciidanka amniga oo nasiib wanaaga aan sidaaba uga fogeyn goobta.



Waxay ciidanka amnigu ku guulaysteen inay gaari bajaajlihii la baxsadey gabadha shan jirta ah gacanta ku dhigaan, kuna bilaabaan baaritaan sababta uu ula baxsadey.

Ilaa hadda wax wara lagama soo saarin sababta ninkaan ula baxsaday gabadha yar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

 


admin:

This website uses cookies.