X

Kursigii banaanaa ee barlamaanka Somaliya kana soo jeeday Awdal oo lagu kala baxay

Kursigii banaanaa ee barlamaanka Somaliya kana soo jeeday Awdal ayaa lagu kala baxay. Buuq sababay dib u dhac ayaa ka dhashay kursiga maanta la qabtay doorashadiisa, ka dib markii maalmo ka hor la isku dayay in lagu qabto Muqdisho.



Kursiga ka banaan Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartamayay musharaxiinta kala ah C/raxmaan Axmed Ceynaan iyo Musharax Faatax Saciid Xasan.



Kursiga ayaa horay waxaa uga geeriyooday Saciid Xasan Geedi.
Waxaa ku guuleystay sida ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Faatax Saciid Xasan Geedi oo uu dhalay xildhibaankii horay uga geeriyooday Kursiga.



Faatax ayaa helay 32 Cod halka Cabdiraxmaan uu helay 5 cod.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.