X

Gabadh Somaliyeed oo lagu diley Qaahira iyo cida dishey

Wararka ka imaanaya magaalada Qaahira ee dalkaasi Masar ayaa sheegaya in halkaas lagu diley gabadh Soomaali ah oo cilmiga shahaadada labaad rabtey inay dhamaysato.

Waxase wararku sheegayaan inuu halkaas ku diley isla Soomaali kale. ”Runtii waa nasib daro adoo qurbo jooga oo haddana isla qurbihii ay isku dilayaan Soomaali halkii ay ka faiideysan lahaa fursadaha jira ayuu yiri Xirsi Warfaa.

Gabadha la diley oo lagu magacaabo Caasho Abuukar Ibraahim (Abuukar Dheere) ahayd dhaqtarad rabta inay dhamaysato cilmiga labaad, waxana la xaqiijay inuu diley shaqsi ay giuri wada deganaayeen oo Soomaali ah.

Boo;iiska dalkaasi ayaa ku guulatstey inay soo qabtaan gacan ku dhiiglaha mar uu isku dayay inuu goobta ka baxsado. Ehelada gabadhan ayaa raba in hore laga khaarajiyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.