November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gabadh u dhalatay Afganistaan oo lagu arkay iyadoo xidhan naaso bira suuqa dhexdiisa laakiin sabab?

Afganistaan waa dal burburay sida Somaliya runtiina burburkiisu wax sidaa u weyn kama horeyn dalkeena. Wuxu ahaa dal xora oo nadiifa oo waxbarasho iyo aqoon lahaa inkastoo aanu dhismin hadana burburey xilli uu soo dshismay.

Haweenay reer Afgaanistaana ayaa bartamaha caasimada Kabul oo wali ka soo kabanaysa xukunkii argagixisada Talibaan waxay ku martey iyadoo dusha ka xidhan naaso bira iyo dabo bira..markii la waydiiyayna waxay ku jawaabtey waa inta kaliya ee ragu u haystaan in haweenku leeyihiin.

Haweenayda oo lagu magacaabo Kubra Khademi ayaa hadda loogu hanjabay dil waxayna heshaa iimaylo lagu cabsi galinayo waxayna dawladu dejisay meel qarsoon oo aan cidkale ogeyn lagamana yaabo in ay dalkeeda dib dambe ugu noolaato.

Kubra waxay ka sheekeysay dhibaatada haweenka Afganistaan haysata maalin walba waxayna sheegtay in ayna xataa badbaadin kuwa loo geliyay shabaga birta ah ee ay had iyo jeer ku nool yihiin nolol xun.

Kubra ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee ay u samaysay in ay tahay in ay yaraanteedii khaati ugu joogsatay taabasho ayna jeclaysan oo jirkeeda loo gaysto.

”Waxaanan marar badan is iraa oo aan xasuustaa oo aan nafteyda waydiiyaa muxuu nikiskeygu u noqon waayay bir.

Birta naasaha ay u ekaysiisay iyo nikiska birta ka samaysan waxay dhab ka dhigeysaa riyadii ahayd muxuu nikiskeygu u noqon waayay waxayna muujinaysaa dhibaatada yaraanteedii lagu hayay inta ay leekayd.

Kubra Khademi speaks about a piece of artwork she made as a protest against sexual harassment during an interview with AFP in Kabul on March 8

The bodysuit

Kubra Khademi walks in the streets

Rashiid  Ceelaanyo

ARAABINEWS