X

Gabadh xildhibaana oo matasha Gaarisa oo qoratey haween ilaaliya

Xildhibaan Canab Guure oo mar loo hanjabay in la dili doono ayaa qoratey haween iyada ilaaliya. Haweenkan oo aan ku labisnayn dharka ciidanka ayaa qayb ka noqonaya ilaaladeeda. ”Waxaan ku faraxsanahay in haween i ilaaliyo ayay tiri Canab Guure oo nafteeda halis ku jirto kadib markii ay taageertay dawlada Somaliya.


Haweenka ilaalilnaya ayaa xataa aan xirnayn kabo fiican oo ay ku ordi karaan laakiin u muuqda kuwo caadi u labisan weliba xiran dharka hadda Somalida xirato ee Carabtu laga soo koobigareeyay.

”Haweenku waxay qaban karaan shaqo ka fiican tan ragga ayay tiri Canab Guure oo nafteedu halis ku jirto haddii la dilana uu masuul ka yahay sirdoonka Uhuru.


Talaabadan ayaa imaanaysa xilli haweenku ka maqan yihiin meelo badan oo muhiim u ah nolosha dalka sida dhaqaatiirta, booliiska iyo meelo kale.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.