X

Midowga Afrika oo hambalyo u direy guusha Cabi Axmed xilli Maraykanku hurinayo colaad

Hogaanka Midowga Afrika ayaa hambalyo u direy guusha raiisal wasaaraha Itoobiya ka gaaray doorashadii bishii hore ka dhacday dalka intiisa badan aan ka ahayn gobolka Somali galbeed iyo Tigree.


Cabi Axmed oo ka hadlay dagaalka ay TPLF ka soo cusbonaysiisay Tigree ayuu ku tilmaamay mid ay wadaan cadowga gudaha oo caawimo ka helaya wadamo la yaqaano. ”Waxay bixinayaan dhaqaalaha ku baxaya iyagoo soo marinaya hay’ado lagu sheegay gargaar ayuu yiri Cabi Axmed.

”Waxba naguma ah inaan ku noqono Maqale cidna nagama horjoogto waxaanse qaadanay xabad-joojin aan ugu tudheyno dadka reer Tigree inay beertaan dalaga xilli roobaadkan ayuu raaciyay Cabi Axmed.


Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa ah wadamada ugu waaweyn ee qasaya Itoobiya ayagoo dareensan in Cabi Axmed aanu dhibaato ka gaysan doonin Somaliya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.