Waxa beri ka dhici doonta Jowhar doorashada golaha shacabka, waxase jirtay tartan u dhaxayn lahaa hooyada hadda ku fadhida kursiga iyo gabadh la tartami lahayd oo lagu magacaabo Baarliin Biin.
“Anigoo Soomaali ah lehna xaquuqda ay Soomaali leedahay, waxaa la iila dhaqmay si qof aan waddanka lahayn, qabiilka ay u dhalatayna u baahan inay caddeyso. Iyadoo la ogyahay qabiilkayga iyo inaan la tartamayo islaanta kursiga ku fadhida ayay guddiga doorashada igu sameeyeen cabsi galin,” ayay tiri Baarliin oo afka furatay
“Waxaa nasiib darro leh anigoo rajo leh, oo madaxweyne Cali Guudlaawe ballan iga qaaday inuu caddaalad isiin doono, oo uu igu dhahay “Baarliin soo tartan” waxaa ii roonayd inuu markii hore i dhaho kursigaan ka daneyso. Waayo qarashna ima galayn, waqtina igama lumayn,” ayay tiri.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay