Kooxda dhiigmiiratada ee Boka Haram ee ka dagaalanta qeybo kamid ah dalka Nageria ayaa inta badan qaraxyada Ishalaaga ah ee ka fuliyaan gudaha dalkaasi waxa ay u adeegsadaan gabdho yar yar oo lagu soo xiro waxyaabaha qarxa.
Weerarkii ugu dambeeyay ee kooxdaasi fulisay ayaa maalin kahor waxa uu ka dhacay xero ay dad barakacayaal ah ku noolaayeen oo kutaala magaalada Dikwa ee gobalka Borno , waxaan weerarkaasi ku dhintay dad ka badan 50-qof oo u badnaa barakacayaal.
Qaraxyada Ishalaaga ah ee lagu weeraray xeradaasi ayaa waxa fuliyay labo gabdhood oo waxyaabaha qarxa lagu soo xiray jirkooda, kuwaa oo dhaxda ka galay qeybo kamid ah xeradaasi kadibna isku dhax qarxiyay.
Gabar Sadaxaad oo loogu tala galay in Weerarkaasi ishalaaga ah wax ka fuliso jirkeedana ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa ayaa diiday in ay is qarxiso, kadib markii ay ogaatay in waalidkeeda iyo qaar kamid ah eheladeeda ay ku jiraan gudaha xerada la qarxinayo.
Gabadhan ayaa markii dambe la xiray waxaana laga furay waxyaabihii qarxa ee jirkeeda ku xirnaa, waxaan hada gacanta ku haya gabadhan ciidamada amaanka dalka Nageria oo baaritaano ku sameenaya .
Go’aanka ee qaadatay gabadhan diiday in ay is qarxsiyo ayna disho eheladeeda ayaa dad badan soo dhaweeyeen, waxa ayna kula taliyeen dhalinyarada kale ee inta badan walxaha qarxa lagu soo xiro in ay ka fikiraan noloshooda iyo mida dadka ay gumaadayaan.
Kooxda dhiigmiiratada Boka Haram ayaa noqotay sanadkii tagay kooxdii ugu badneed ee dad rayid ah disha, waxa ayna kooxdan inta badan weerarada ka fulisaa Waqooyiga dalka Nageria ay ku badan yihiin dadka muslimiinta.
Boko Xaram ayaa ka mida argagixisada ku dhex nool Muslimiinta ee diinteena ku qaraabta.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay