12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gabay fariina oo ku aadan iscunka qabiileed ee baryahan ka socday magaalada qadiimiga ah Taleex

Sidaan wada ognahay waxa Taleex ka socday dagaal beeleed u dhexeeyay laba beelood oo Dhulbahante ah oo wada dega Taleex waxayna muddo isku cunayeen magaalada waana tan keentay in magaaladu yeelan waydo maamul shaqeeya. Haday gabaygan waxa tiriyay hal Abuur  Aadam Cali Cawil isagoona ku xusay Gabayga Dhibka dagaalka sokeeye, Dan wadaag sida ay u yihiin bulshada ku dhaqan deegaanka Taleex oo hadda noqotey kuu dhimey kaa dhimay.

Dabayl yahay adaa duuula oo dayr ku celinayn ee adaa daayinkay kuu saqiray meeshad doontaba e Aan ku dirsadeee ii adeeg saaka danahayga, Fariin dahaba iyo ii xanbaar talada tii doora daar ilaalo iyo daawad iyo degelkiii taarikhda adigaan dayicin iiga gee duulkii reer ali bal inay dareeman murtidan duragsan gaadhsii.

Niman yohow daldheerbaan jiraa dunada geeskeed danbigaad gashaan waan baqlay iyo dirirta shaydaaan mana doonahayn inaad markale dib ucoloowdaane caano daatay dabadooo laqabay door wixiii hadha e baldareeema waxaan dooonayiyo aniga doodayda ,Hadii daawo hadal leeyahay kii dug hore sheekay

Cali koore doodu yidhi baan dulmarayaaye nin la dilay waxaa duug karoon doqon aan fiicnayn e dadka nool ayaa loo tashaaa lana daneeyaye dulqaadka iyo samirkaa Ka wacan duunyo iyo maal e xaajada ragdoor iyo halyay duubcada u dhiiiba hana diidina taladu way idin dultaaalaye,

Nin walaalkiis dilay ciil madayn e wuu kasii daraye duli buu kunooolan ifka akhirana daaye madaloco intuu noolyahay ee wuu danqanayaaaye baldulqaata xaajadan dhacday dawaa loo heliye hana diidina nabadu waa ragdirintiise.

Da da kalena waa dood murtidan idi dareensiine Niman yohow dad ehelaad tihiiin duul walaalo ahedanwadaad ayaad wada tihiin ul iyo diirkeede Derin baaad ku wada seeexataan daar qudhiyo meeel e Xoolihiinu dooxada ayay wada daldhodane dumarkuna cusbaday kala helaan iyo danhoosade dugsiyaday ilmuhu wada dhigdaan dayr galaas qudha e In aaad maanta dirirtaaan walee waa damiinimo e

Nin walaalkis dilay muu dalicin oo iblays diraye dib u eega xaajada ragwaa kii dulqaad badane hadii kale waxaad dalaq dhahdeen dabinka shaydaane Daa uuska nabar baa ku yaal daawo loo heline isagoo dunida ugu han wayn qurux na loodayay ayuu daymo aragtida mar uun dib isu eegaye markaasbuu dareema dhibtii dili lahayd uun e Fiintuba wixii daran ayuun baykasii digiye ana waxaan dareemaa dhibtaad doc u faruurteene

 Nin Walaalkii u doqon yahay baan dalacahayn’e War is daaya waa ceeb waxaad derejo moodeen’e

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS