X

Gabdhaha kubada ciyaara malaha soo jiidasho guur: madaxweynaha Taansaaniya

Madaxweynaha Taansaaniya Saamiya Xasan oo ka soo jeeda gobolka Sansibaar ayaa dhinacna ka amaantay gabdhaha kubada ciyaara dhinacna wax ka sheegtay qaabka ay u egyihiin iyo inay guurka ku fiican yihiin.

Madaxweynaha oo ka hadlaysay ciyaaraha gobolada ee dalkaasi qaasatan kuwa gabdhaha ay sheegtay in loo baahan yahay in la balaadhiyo kharashka la siinayo gabdhaha ciyaara.


”Waxa no muuqata inuu aad u yaryahay kharashka ku baxay gabdhaha kubada ciyaara waana inaan siina kharash ku filan ayay tiri Saamiya Xasan.

”Gabdhaha kubada ciyaara waxay no soo hooyen gulo laakiin markaad fiiriso guuro ma is oran kartaa way ku fiican yihiin markaad eegto laabtooda siman, waxaanad is weydiin kartaa ma ninbaa mise waa naago ayay raacisay Saamiya oo u jeeda in gabdha ciyaara kubada ayna lahaybn naaso soo jiidan kara ragga guur ahaan.


”Marka lugahaa ciyaaraya ay beri daalan marka ayna hayn caafimaad waxaad is weydiin kartaa mustaqwbal nooceeya ay yeelan doonaan ayay ku soo xirtey. Waxa hadalkeeda ka carooday kooxaha haweenka u dooda

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.