X

Gabdho Jabaaniisa oo ka helay cuntada Somalida xafladna ku samaystey

Gabdho Jabaaniisa oo booqasho ku tagey xarumo ay ku leeyihiin Maraykanka qaasatan gobolka Somalida soo baxdey ugu badan yahay ee Miniyaabolis ayaa dhawaan booqasho cunto tijaabina Ku tagey maqaaxiyaha Somalida. Cuntada ay inta badan cunaan Somalidu oo aan dalka laga beerin ayaa ah baasto iyo bariis maraq lagu cuno iyo hilib.


Aad ayay uga heleen hilibka geela oo ay ku sheegeen in markaad sii cuntaba dhadhankiisu macaan sii noqonayso. Waxay kaloo barteen sida xanjeerada loo Dino oo ay barren gabdho Somaliyeed.


Ayagoo tababaran ayay ku noqdeen dalkoodii halkaas oo ay ku samaysteen xaflad ay dadka ku casuumeen. Casuumada ayaa loogu magacdaray cuntada Somalida ee Tookyo.

Haddaba hoos Ka daawo sida casuumadu u dhacdey. Raali ahaada tarjumaada maleh laakiin badankeedu waa inta aan idiin sheegay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.