X

Itoobiya oo xaqiijisay dad looga shikisan yahay cudurka hargabka Shiinaha

Masuuliyiinta caafimaadka ee dalkaasi Itoobiya ayaa xaqiijiyay in dad Itoobiyaana looga shiki qabo inay qabaan cudurka hargabka Shiinaha ee sida xun ugu faafaya aduunka. Cudurkan ayaa gaaray dawlado farabadan inkastoo lala tacaalayo sidii loo xakamayn lahaa.


Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in afar qof looga shakisan yahay cudurka lagu takoorey meel ka mida caasimada Addis ababa lagana qaaday dheecaano iyo dhiigag kale loona dirayo Koofur Afrika.


Itoobiya ay bilowdey inay baadho dhamaan dadka ka imaanaya Shiinaha inkastoo haddii cudurkaan yimaado bariga Afrika uu halis gelin karo dadka geeska Afrika.


Ila hadda waxa la sugaa wixii ka soo baxa baaritaankaa lagu bilaabay dadkaas u dhashay Itoobiya ee iyagu ka yimi Shiinaha. Cudurkan hargabka Shiinaha ayaa hadda gaaray ilaa 9 dal oo ay ku jiraan Jabaanka, Taylaan iyo Jarmalka.

Waxa cudurka laga helay dad aan iyagu ka tegin gobolka xudunta u ah cudurkaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

 

admin:

This website uses cookies.