X

Gacan ku dhiigle Salmaan oo xasuuq ka gaystey jeel ku yaal Xudeyda ee Yaman

Diyaaradaha gacan ku dhiigle Salmaan oo sheegta boqorka Sucuudiga ayaa diyaaradihiisu xasuuq kale ka gaysteen jeel at ku jiraan maxaabiis bilaa cunto ah oo ku yaala Xudeyda.

Diyaaradaha gacan ku dhiiglaha ayaa xasuqay 43 ahaa maxaabiis jeelka ku Jira oo in muddo ah cuntadu ku yarayd. Salmaan ayaa hore u xasuuqey 140 shacabka reer Yaman ah oo u fadhiyay geeri.

Gacan ku dhiigle ayaa caydhsan kari waayay masaakiinta Xuutiyiinta oo ay taageerayaan madaxweynihii hore ee Yaman oo ay siyaasad ahaan is hayaan gooni gooste Xadi oo Sucuudigu wato.

Boqolkiiba 80 waxa dalka Yaman gacanta ku haya xoogaga dawlada Yaman oo uu hoosta ka hogaamiyo Cali Cabdalle Saalax iyo xoogaga Xuutiyiinta oo la dulmiyay oo raadsanaya xaqooda.

Kharashka kaga baxay gacan ku dhiigle Salmaan weerarka Yaman iyo hubka uu ka soo iibsadey Yuhudfa iyo Maraykanka ayaa gaadhaya 40 bilyan oo doolar ilaa hadana waxba uma tarin.

Waxase sii adkaadey xulafada dawlada Yaman ee reer galbeedka iyo Yuhuudu u yaqaan mucaaradka oo dhirbaaxo gaadhsiiyay Sucuudiga.

Weerar kale oo Salmaan iyo Imaaraadku ku qaadeen guri ku yaala Ticis waxay ku dileen qoys ka kooban 11 qof.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.