X

Xasan Sheekh oo ka qaybgalay maalinta Turkiga oo lagu qabtey safaaradooda Muqdisho: SAWIRO

Munaasabadaan xuska aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga ayaa maanta lagu lagu qabtay safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho. Maalinta Turkiga ayaa ku beegan xilli Turkigu kas baxay xaalad qalafsan.

Xafladda waxaa ka qeyb galay madaxweyne xilligiisii dhamaadey ee Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, wasiiro, siyaasiyiinta xisbiyada iyo marti sharaf kale.

Waxaa kaloo ka qeyb galay wakiilada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, waxaana goobta lagu soo bandhigay taariikhda dalka Turkiga, iyo isbedelkii ku dhacay kadib Khilaafadii cusmaaniyiinta.

Mustafe Ataturki ayaa loogu magacdaray jamhuuriyada cusub kadib matkii laga baxay dagaalkii koowaad ee dunida oo dawladii Cusmaaniyiintu la jirtey Jarmalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.