30/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gacanyaraha Siilaanyo oo jawaab ka bixiyay gudoomiye diidey xil uu u magacaabay

Warsaxaafadeed hada ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada ayaa waxa lagu sheegay in madaxwayne Siilanyo aqbalay Warqadii istiqaalada ahayd ee uu usoo gudbiyey Gudoomiyihii xalay loo magacaabay gobolka Maroodi Jeex Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro).

Warsaxaafadeed ayaa u dhignaa sida.

WAR-SAXAAFADEED: – 04/12/2016

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.

Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-

Ujeeddo: Aqbalaad Istiqaalad

Ku: Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)

Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa

Mudane,

Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.

Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.